Duqayn uu Mareykanku ka fuliyey agagaarka degmada Ceelbuh ee gobolka Sanaag ayaa lagu dilay Cumar Cabdullaahi…

Duqayn uu Mareykanku ka fuliyey agagaarka degmada Ceelbuh ee gobolka Sanaag ayaa lagu dilay Cumar Cabdullaahi Cali Ciid. Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyey in weerarka lala beegsaday gaari uu la socday marxuumka iyo qof kale oo aan weli la aqoonsan.
Laamaha ammaanka Puntland oo ay ka mid yihiin ciidanka CID-da ayaa gaaray deegaanka Jinacyo halkaas oo ay ka bilaabeen baaritaan ku saabsan duqaynta. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inay weli ururinayaan xog dheeraad ah oo ku saabsan dhacdada.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in duqayntan ay ahayd tii ugu horreysay ee ka dhacda dhulka bartamaha gobolka Sanaag taas oo sare u qaaday su’aalaha ku saabsan ujeeddada iyo cidda si toos ah loogu beegsaday.
Marxuum Cumar Cabdullaahi Cali Ciid ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa caaqillada deegaanka waxaana dhimashadiisu saamayn ku yeelatay bulshada ku nool Ceelbuh iyo nawaaxigeeda.
Ilaa iyo hadda ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo ka soo baxay dhacdadan, Dadka deegaanka ayaa weli cabsi iyo walaac ka muujinaya duqayntii ka dhacday gobolka Sanaag.




