Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa ka qayb galay shir wadatashi ah oo ku…

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa ka qayb galay shir wadatashi ah oo ku saabsan Sanduuqa Horumarinta Puntland (Puntland Development Fund – PDF), kaas oo looga hadlay istaraatiijiyadda dowladda iyo hanaanka lagu horumarinayo maareynta iyo maalgelinta mashaariicda horumarineed, si looga jawaabo baahiyaha dadweynaha Puntland.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Puntland yeelato sanduuq horumarineed oo hufan, isla markaana la jaanqaada baahiyaha mudnaanta u leh bulshada, isagoo adkeeyay doorka iskaashiga hay’adaha dowladda iyo bah-wadaagta caalamiga ah.
Shirka waxaa Madaxweyne ku-xigeenka kala qayb galay wasiiro ka tirsan Puntland, Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha iyo Masuuliyiin kale.



