Saraakiil Alshabaab Ka Tirsan oo La Dilay

17 March, 2020

Dowladda federaalka ee Somaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Komaandooska dowladda federaalka ee  Danab ay ku dileen…

Dowladda federaalka ee Somaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Komaandooska dowladda federaalka ee  Danab ay ku dileen lix xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al- Shabaab gobolka Sh/hoose gaar ahaan deegaanka  Jannaale

Xubnaha sarsare ee la dilay waxaa ka mid ahaa laba horjooge oo kala ahaa Siciid dheere oo ahaa horjoogihii jabhadaha  Shabaab degaanka Ceel-saliini ilaa janaale iyo horjooge Bukhaari oo isna qaabilsanaa degaanka jannaale,

Waxaa kaloo weerarkaas lagu dilay 4 xubnood oo la joogay xilliga la dilayay horjoogayaashaasi  sida uu u xaqiijiyay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida taliyaha guutada 16aad Danab xoogga dalka G/le Ismaaciil Cabdilmaalik Maalin.

Dowladda federaalku waxay kaloo sheegtay in Howgalka ciidankuay kula wareegen degaanka Jannaale ee gobolka shabeelada hoose  ayaa si wadajir uga qaybqaateen ciidamada Danab iyo Gor-gor oo ka wada tirsan xoogga dalka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *