Laba sarkaal oo katirsanaa ciidanka difaaca dwoladda Puntland iyo saddex askari oo kale ayaa ku geeriyoodey…

Laba sarkaal oo katirsanaa ciidanka difaaca dwoladda Puntland iyo saddex askari oo kale ayaa ku geeriyoodey qarax miino oo kooxda nabaddiidka ah ee Daacish ku aastay buuraleeyda Cal-miskaad.
Alle ha u Naxariistee, taliyihii ururka 2aad ee Komaandada PMPF Kabtan Maxamuud Jaamac Leexo iyo sarkaal Siciid Maxamuud Maxamed (Jiqda) ayaa saaka ku geeriyooday qarax ka dhacay deegaanka Dasaan ee Calmiskaad.
Labadaan sarkaal ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen qarax miino ay jidka ku aaseen mileeshiyaadka argagixisada ah ee Daacish, taasi oo la kacday baabuurkii ay saarnaayeen oo marayay wadada degaanka Dasaan ee degmada Qandala.
Kabtan Leexo wuxuu horay ugu dhaawacmay qarax la kacay gaarigii uu saarnaa markii Dharjaale ciidanku ka guureen, markale wuxuu ku dhaawacmay dagaalkii Haraaryo, waxaana xusid mudan in markasta oo uu bogsado uu dib ugu laaban jiray furimaha dagaalka.




