Saraakiil katirsan Milatariga Itoobiya oo gaarey Garoowe.

29 March, 2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay wafti ballaaran…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay wafti ballaaran oo uu hoggaaminayey Qunsulka Dowladda Itoobiya ee Puntland, Major General Tagesse Lambamo Dimbore.

Qunsulka Dowladda Itoobiya ee Puntland, Major General Tagesse Lambamo Dimbore oo ay weheliyeen xubno katirsan xafiiskiisa iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada Dalka Itoobiya ayaa Madaxweynaha Puntland kala hadlay xiriirka labada dhinac, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay Puntland.

Itoobiya oo saamayn ciidan iyo mid siyaasadeed ku leh Somalia ayaa dhawaan Addis ugu yeertay xubno ka socda Maamulka Somaliland, xilli uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xubno katirsan beesha caalamka uga dacwoodey faragelinta dowladda Itoobiya.

Itoobiya oo horay Axmed Madoobe taageero ugu siisay gacan ku haynta qaar kamid ah degmooyinka gobolka Gedo ayaa diidey inay Dowladda Somalia ka gacan siiso sidii Lafta-gareen looga saari lahaa Magaalada Baydhabo.