Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku geeriyoodey dagaal u dhexeeya ciidamo taabacsan Lafta-gareen iyo…

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku geeriyoodey dagaal u dhexeeya ciidamo taabacsan Lafta-gareen iyo kuwa dowladda Somalia oo maanta ka dhacay duleedka Magaalada Baydhabo.
Dgaaalka ayaa waxaa ku geeriyoodey taliyihii Guutada 8-aad ee qaybta 60 Xoogga dalka Cali Caddow iyo Taliyihii guutada 9-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Yoonis Aadan.
Gaadiid dagaal oo ay lee yihiin ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay in lagu gubey dagaalka oo sababay khasaare kale duwan, waxaana saraakiil dowladda katirsan sheegeen in weerarka uu daba socdey mid ay soo qaadday Alshabaab.
Saraakiisha taabacsan Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa maalmihii la soo dhaafay ku goodinayey inay dib u qabsan doonaan magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka u ah Koonfur Galbeed.



