Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey saraakiil iyo askar…

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey saraakiil iyo askar ay Somaliland ku qabatay dagaaladii gobolka Sool ee 2023, kuwaas oo qayb ka ahaa maxaabiis ay dhowaan is dhaafsadeen Puntland iyo Somaliland.
Xubnahaan ayaa waxaa horkacayey Taliye Aarsade iyo Cabdimudalib oo kamid ahaa saraakiishii hoggaaminaysay weerar lagu qaaday ciidamadii Somaliland ee ku sugnaa duleedka Bari ee Goojcadde.
Waxay sheegeen inay siweyn ugu faraxsan yihiin inay joogaan magaaladii ay xorriyaddeeda muddo ku dhow labada sano xabsiga ugu jireen, iyagoo bulshada ugu baaqay inay adkaystaan midnimadooda maamulkana la shaqeeyaan.
DAAWO



