Saraakiisha ciidamada ficaa Puntland ee ku sugan buuraleeyda Cal-miskaad ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlgalladii ugu dambeeyey…

Saraakiisha ciidamada ficaa Puntland ee ku sugan buuraleeyda Cal-miskaad ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlgalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Togagga Jacayl iyo Ina-ciddoole oo ay ku dhuumaalaysanayaan malayshiyaadka Daacish.
Duwane Gaaciye oo kamid ah saraakiisha hoggaaminaysa hawlgalka Cal-miskaad ayaa sheegay inay wadaan sahamadii ugu dambeeyey ee ciidamadu ku gaarayaan goobaha cadawgu ku dhuumaalaysanayo.
“Waxaan maanta sahan iyo hawlgallo qorshaysan ka samaynaynaa togga Ina-ciddoole oo kamid ah goobaha ay nabaddiidku ku dhuumaalaysanayeen maalmihii ugu dambeeyey, haddana waa ku daba jirnaa mana laaban doonno ilaa aan gacan ku soo dhigno.”Ayuu yiri Corneal Duwane.