Saraakiisha ciidanka KHATUMO oo shaaciyey in Puntland bixiso mushaharka kumanaan kamid ah ciidankooda.

26 July, 2025

Saraakiisha ciidanka Daraawiishta ee ku sugan gobolka Cayn ayaa ka hadlay sheegashada Puntland ee ku aadan…

Saraakiisha ciidanka Daraawiishta ee ku sugan gobolka Cayn ayaa ka hadlay sheegashada Puntland ee ku aadan inay bixiso mushaharka kumanaan katirsan ciidanka difaaca maamulka KHATUMO.

Korneyl Cabdiraxmaan Cabdillaahi Axmed (Afweyne), oo kahor dhismihii maamulka KHATUMO ahaa Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland ee Gobolka Cayn, ayaa caddeeyay in Puntland bixiso mushaarka in ka badan 1,000 askari oo fadhiya difaaca Gobolka Cayn, kuwaasi oo ka kooban Daraawiish iyo Boolis.

Dhanka kalena, taliyaha ayaa sheegay in Ciidamo Puntland ka mushaar qaata ee fadhiya difaacyada Gobolka Sool ay ka amar qaataan Madaxweyne ku xigeenka Ilyaas Lugatoor, Madaxweyne ku xigeenkii hore Axmed Karaash, Korneyl Mubaarik Jiqda iyo Korneyl Bacayoos.

Wasiirka Warfaafinta SSC-khaatumo ayaa dhawaan dafiray wararka sheegaya in Puntland bixiso mushaarka qeyba kamid ah ciidamada fadhiya jiidda hore ee laga difaaco degaannada SSC-khaatumo, kuwaasi oo ay Puntland sheegtay in ay bil kasta ku bixiso $1.8 milyan oo mushaar iyo xuquuq ah.