Saraakiisha Puntland oo hanjabaad u diray haraadiga firxadka Daacish.

13 December, 2025

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa weli hawlgallo qorshaysan ka wada buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari oo…

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa weli hawlgallo qorshaysan ka wada buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari oo ay ka baadi goobayaan firxadka kooxda nabaddiidka ah ee Daacish.

Saraakiisha ciidanka difaaca dowladda ee hoggaaminaysa hawlgalka Hillaac ee buuraleeyda Cal-miskaad ayaa sheegay awooddii Daacish la baabi’iyey ayna hadda dhimman tahay soo afmeerka naf-la caari ku dhuumaalaysanaya godad ku yaalla togga Baallade.

Gashaanle Jaamac Qorax, oo katirsan ciidanka difaaca Puntland ayaa ku hanjabay inay sida ugu dhaqsaha badan ku soo afmeeri doonaan haraadiga Daacish ee ku dhuumaalaysanaya ceelasha Baalladaha hoose ee duleedka Boosaaso.

“Daacish waa soo afjarnay waxyar oo firxad ah ayaa ku dhuumaalaysanaya Baalladaha hoose, iyagana waa ugu tegeynaa, ilmihii ayey afka ku sitaan waana ugu tegeynaa meelkastoo ay galaan, meesha hadda nalooku sheegay waa dhulkaan ku socod baranay oo ariga ku raaci jirney kumana sii jiri doonaan”, Ayuu yiri Gashaanle Jaamac Qorax.