Sarkaal ka tirsan ciidanka amaanka Garoonka diyaaradaha Garoowe oo la diley.

Published: May 22, 2023
Shares2
Maxamuud Cabdirisaaq Xiirey
Maxamuud Cabdirisaaq Xiirey

Taliye kuxigeenkii ciidanka amaanka Garooonka Diyaaradaha ee Garoowe Dhamme Maxamuud Cabdirisaaq ayaa goor dhaweyd malayshiyaad ku dileen bariga magaalada Garoowe xili uu ku socdey goobtiisa shaqo.

Wararku waxay sheegayaan in dilka ay geysteen Malayshiyaadka taageersan siyaasiyiinta ka soo horjeeda doorashada goloyaasha deegaanka ee dhawaan laga soo saarey difaaca gobolka Sool, kuwaas oo jidgooyo u taaley wadada.

Meydka sarklaakan ayaa la geeyey isbitaalka magaalada Garoowe.

Horseed Media