Boosaaso: Sarkaal ka tirsan Hay’adda IOM ayaa xalay lagu weeraray magaalada Boosaaso, halkaas oo uu ku…

Boosaaso: Sarkaal ka tirsan Hay’adda IOM ayaa xalay lagu weeraray magaalada Boosaaso, halkaas oo uu ku geeriyooday walaalkiis, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah. Sarkaalka la beegsaday ayaa ka shaqaynayay arrimaha socdaalka, muhaajiriinta iyo la-dagaallanka tahriibinta dadka.
Sida ay sheegeen goobjoogayaal, weerarka waxaa fuliyay koox hubaysan oo watay bastoolado, kuwaas oo goobta ka baxsaday, iyadoo aan weli la aqoonsan cidda ka dambeysa falka.
Ilaa iyo hadda, laamaha ammaanka ee Boosaaso ma aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan dhacdadan.
Magaalada Boosaaso ayaa sanadihii u dambeeyay la kulantay falal amni darro iyo dilal qorshaysan oo lala beegsaday shaqaale hay’ado caalami ah, saraakiil dowladeed, ganacsato iyo dad rayid ah. Kooxo hubaysan oo ay ka mid yihiin Daacish iyo Al-Shabaab ayaa hore loogu eedeeyay weerarro noocan oo kale ah oo ka dhacay gobolka Bari.
Horseed Media




