Sarkaal katirsan Booliska Puntland oo lagu diley Magaalada Galkacyo.

Habeenimadii xalay waxaa Magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug qaybta Puntland lagu diley sarkaal katirsan ciidanka cusub…

15 March, 2026

Habeenimadii xalay waxaa Magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug qaybta Puntland lagu diley sarkaal katirsan ciidanka cusub ee booliska Puntland oo dhawaan laga hawlgeliyey Waqooyiga Galkacyo.

Sarkaalka la diley oo lagu Magacaabi jirey Xidigle Axmed Cali Ciise (Dulyare), oo ka mid ahaa ciidamadii cusub ee Booliiska, uuna dilkiisa ka dambeeyey askari kale oo katirsan laamaha ammaanka Puntland.

Saraakiisha ciidanka ammaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in askariga falka geystay uu hadda ku jiro gacanta ciidamada ammaanka, isla markaana sharciga loo horgeyn doono marka baaritaanku dhamaado.

Puntland ayaa dhawaan Magaalada Galkacyo geysey ciidamo dheeraad ah si ay wax uga qabtaan falalka ammaan xumo gaar ahaan kooxaha isticmaala maandooriyaha iyo aanooyinka qabaa’ilka.