Taliyihii ciidanka booliska qaybta gobolka Raascasayr Gaashaanle Sare Mahad Cali Carcar ayaa xilkii iska casilay, kaddib…

Taliyihii ciidanka booliska qaybta gobolka Raascasayr Gaashaanle Sare Mahad Cali Carcar ayaa xilkii iska casilay, kaddib kadib khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo taliyaha booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire.
Qoraal uu soo saaray Taliye Carcar laguna socodsiiyey xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland ayaa lagu sheegay inuu guud ahaanba iskacasiley mas’uuliyaddii uu hayey maadaama ay isfahmi waayeen taliska guud ee ciidanka booliska Puntland.
“Mudane madaxweyne aniga oo ah G/sare Mahad Cali Carcar waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa in aan iska casilay xilkii iyo mas’uuliyadii aan shacabka Soomaaliyeed ee Puntland u hayay, maadaama aan isku fahmiweynay nidaamka shaqo taliska guud ee ciidanka booliska Puntland mudadii aan xafiiska joogay.”

Dhawaan ayey ahayd markii Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa dhawaan mas’uuliyiinta gobolka Raascasayr ee heer gobolka iyo heer degmo uga yeertay magaalada Garowe, si wax laysaga waydiiyo xaaladda gobolka Raascasayr oo muddooyinkii ugu dambeeyey khilaafyo hareeyeen.



