Sawirrada weriye ku xiran saldhigga Laascaanood oo hadalhayn abuuray.

6 April, 2026

Qaar kamid ah ururada warbaahinta Soomaalida ayaa siweyn u cambaareeyey xariga weriye Cabdiqani Cabdiraxmaan Maxamed Dhulmar…

Qaar kamid ah ururada warbaahinta Soomaalida ayaa siweyn u cambaareeyey xariga weriye Cabdiqani Cabdiraxmaan Maxamed Dhulmar oo inkabadan 10 cisho ku xiran saldhigga dhexe ee Magaalada Laascaanood.

Cambaaraynta ayaa xoogaysatay kadib markii saacadihii la soo dhaafay ay baraha bulshada ka soo muuqdeen sawirrada weriye Dhulmar oo silsilad lugaha kaga xiran tahay isla markaana dhex jooga saldhigga uu ku xiran yahay.

Taliyaha Booliska gobolka Sool ee maamulka Waqooyi Bari Khadar Maxamed Faarax (Gawrac) ayaa xaqiijiyey jiritaanka sawirka, isagoo xusay in la xiray askartii ku sugnayd goobta baaritaan xoogganna ay ku samayn doonaan sababta ay sawirkaasi u faafiyeen.

Xildhibaano katirsan maamulka Waqooyi Bari ayaa dhankooda sharci darro ku sifeeyey xariga suxufiyaan oo ay sheegeen inuu kor u qaadayo cabburinta bulshada iyo ka hortagga xoriyadda hadalka shacabka deegaamadaas oo dastuurku dammaanad qaaday.