Wararka ka imaanaya deegaamada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor)…

Wararka ka imaanaya deegaamada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor) oo kamid ahaa shabakad xukun sugayaal oo ka baxsaday saldhig kuyaal Galkacyo qaybta Puntland.
Sayloor ayaa la xaqiijiyey in ciidamo deegaanka ah ku qabteen goob aan ka dheerayn degmada Bacaad-weyne ee Koonfurta gobolka Mudug, waxaana socda dedaalo loogu wareejinayo gacanta laamaha ammaanka ee Puntland.
Saraakiil katirsan ciidanka booliska Puntland oo aan xiriir la samaynay ayaa xaqiijiyey qabashada Laahoor, inkasta oo uusan kujirin gacan dowladeed oo ay gacanta ku hayaan rag katirsan ciidanka deegaanka ee Galmudug hoosyimaada.
Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor), oo lagu helay inuu ka qayb qaatay dilka AUN weriye Jamaal Faarax Aadan oo Galkacyo lagu March 2021 ayaa waxa isaga iyo saddex xubnood oo la xukunaa xilli aroor ah ka baxsadeen Saldhigga Cirjiifa ee duleedka Galkacyo.