Sen. Ilhan Omar oo afur wadareed u samaysay dad ka badan 500 qof

16 March, 2025

Boqolaal dad ah oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib ayey afur wadareed u samaysay Ilhaan Cumar, si loo helo isku duubni oo meesha looga saaro midab takoorka.

Xildhibanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa afur wadaraeeed u samaysay dad kor u dhaafay 500 oo qof oo dagan xaafaddaha ay Soomaalidu ku badan yihin ee Minneapolis ee dalka Maraykanka.

Afur wadareedka waxaa ka soo qayb galay marti sharaf ay ka mid ahaayeen Duqa magaaladda Minneapolis iyo madax kala duwan.

Ilhan ayaa waxay ka jeedisay khudbad dhinacya badan taabanaysay oo si wayn ugu dhiirigalisay dadwaynihii ka soo qayb galay afurka, si loo helo isku duubni iyo wadajir, maadaama waqti adag lagu jiro oo midabtakoorku soo badanayo.

Horseed Media