Senator Faroole oo aqalka sare ku eedeeyey inay ka gaabiyeen waajibaadkooda.

Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa ku dhaliilay Aqalka Sare in ay ku…

26 October, 2025

Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa ku dhaliilay Aqalka Sare in ay ku milmeen khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, taasina ay meesha ka saartay doorkii dhexdhexaadnimo ee golaha.

Mar uu hadal ka yeedinayey kulan ay yeesheen Aqalka Sare ayuu Faroole sheegay in goluhu yahay miisaankii dowladnimada Soomaaliya, hase ahaatee taas la lumiyay, markii si aan waafaqsanayn dastuurka xubno ka tirsan golaha ay xilal iyo dano kale ku badasheen.

Waxa uu sheegay in Aqalka Sare gabeen u kala dab-qaadida dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada Puntald & Jubaland, sidoo kale gabeen in ay u sheegaan maamullada aan weli doorasho qaban, in ay doorasho qabsadaan.

“Kismaayo in aan tagno ayey ahayd oo wax sii bislayno intaan Madaxweynaha lu’go in, Puntland-na in aan u tagno oo tabashadeeda weydiino ayey ahayd; dhaliisha oo dhan Aqalkeena-sare ba leh, aan wadaado u yeedhano Qur’aan ha innagu akhriyaane”, Ayuu yiri Faroole.