Kulanko maalmihii la soo dhaafay Magaalada Garoowe uga socday qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Nugaal…

Kulanko maalmihii la soo dhaafay Magaalada Garoowe uga socday qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Nugaal ayaa habeenimadii xalay la xaiijiyey inuu is-afgarad ku soo dhammaaday, sida uu sheegay Madaxweyne hore Senator Cabddiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.
Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Xirsi Qarjab, Wasiirka Caafimaadka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Faroole, iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Muumin Cabdi Shire, oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in arrinta xiisadda u dhexaysa dowladda iyo mucaaradku is-afgarad ku soo dhammaaday.
Senator Cabdiraxmaan Faroole oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirku ku soo dhammaaday guul, isla markaana waxgaradku ay ku guuleysteen inay xal ka gaaraan khilaafkii u dhexeeyay Gen. Jimcaale iyo Dowladda Puntland. Waxa uu xusay in is-afgaradka la gaaray uu muhiim u yahay xasilloonida iyo amniga Garoowe.
“Nin kasta ma doonan doono Madaxweynaha Puntland, sidii hore ka noqon doonto, anaa hor istaagaya ninkii aan maanta ka shaqayn wanaagga Puntland, haddii nala soo dhexgalana waa xallinaynaa waayo haddii Puntland la dhibaateeyo waa burburka Somalia”, Ayuu yiri Senator Faroole.




