Senator Faroole,”Reer Puntland waa diideen waxka-beddelka dastuurka”

3 March, 2026

Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo ka hadlay kulan ka dhacay Garoowe…

Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo ka hadlay kulan ka dhacay Garoowe ayaa sheegay inaysan Puntland qaadan doonin ku dhaqanka waxka-bedel lagu sameeyo dastuurka dalka oo aysan qayb ka ahayn.

“Dastuurka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu doortay waxaa jirey qodobo xoogaa waxka qalqaldanaayeen, wixii laga beddelayo guddiyo labada aqal ah ayaa qaabilsan, iyagoo kala dhiman oo lagu shushubtay ayaa meesha la geeyey oo layiri waa la bedeley waxaa intaa lalahaa musuqmaasuq ayaa kujira kooram aan dhammayn ayaa looga doodayey waxa socda waa intaas”, Ayuu yiri Senator Faroole.

Dhanka kalena, Senator Faroole ayaa sheegay in waxka-beddel kasta oo lagu sameeyo dastuurka dalka uu yahay sharci darro iyo tuugonimo aysanna aqoonsanayn ayna u sheegayaan cidkasta oo ay qusayso inuusan dhaqangal noqon doonin.

“Xildhibaanadii Puntland Xamar waxaa ku haray inyar oo dowladda kujirta iyo inta halkaa ku xiran ee aan wada hadlayno, waxaa la rabo in tuugada lagu ansixiyo waan diidney, sidiisii hore ayuu ansax ku yahay wixii laga taabtaa waa tuugo, majirto wax laga bedeli karo iyadoo aan loo dhammayn”, Ayuu yiri Senator Faroole.