Senator Ilyaas Badal Gaboose, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay joogitaankiisiii Kismaayo, wada-hadalladii iyo heshiiskii lagu…

Senator Ilyaas Badal Gaboose, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay joogitaankiisiii Kismaayo, wada-hadalladii iyo heshiiskii lagu soo afjaray khilaafkii muddoyinkii ugu dambeeyay ee u dhexeeyay isaga iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Ilyaas Beddel Gabboose ayaa sheegay in khilaafkii muddada sanadka ka badan kala dhexeeyey uu ku soo dhammaaday is-afgarad iyo wada-tashi, kadib wadahadalo muddo socdey.
“Waxaan muddo sanad iyo bilo ah joogay magaalada Kismaayo kadib khilaaf na dhexmaray aniga iyo Dowladda Jubbaland, balse maanta waan ku faraxsanahay in arrintaas lagu dhammeeyay wadahadal iyo isfaham”,” ayuu yiri Senator Ilyaas. “, Ayuu yiri Senator Gabboose oo safar caafimaad ugu baxay dalka dibaddiisa.
Ugu dambayntiina Senator Gabboose ayaa sheegay in shacabka reer Jubbaland si gaar ah ugu baahan yihiin midnimo, wadajir, iyo isu-tanaasul, si loo xoojiyo amniga, horumarka, iyo xasilloonida deegaannada maamulka.



