Xildhibaano katirsan aqalka sare ee barlamaanka Somalia oo gaarey Magaalada Garoowe ayaa si adag uga hadlay…

Xildhibaano katirsan aqalka sare ee barlamaanka Somalia oo gaarey Magaalada Garoowe ayaa si adag uga hadlay xaaladda guud ee ay Soomaaliya ku sugan tahay xilli maamulka Isra’il uu dal madax banaan u aqoonsaday Maamulka Somaliland oo qayb ka ah Jamhuuriyadda federalka ah ee Somalia.
Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), iyo Senator Cabdi Cabdullaahi Xashi (Goley) ayaa sheegay in xaaladda dalka Somalia ay marayso meel adag loona baahan yahay talo midaysan iyo in wadajir looga samatabixiyo marxaladdaan adag.
“Wadanku wuxuu maanta taagan yahay meel aad u adag, waxaa loo baahan yahay midnimo iyo talo gaar ah oo culus iyadoo aan idaacado laga hadlayn talo gaar ah oo hoose ayaa loo baahan yahay”, Ayuu yiri Senator Cabdi Cabdullaahi Xashi (Goley).
Dhanka kalena, Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), ayaa sheegay,”War dhafoor buu ku yaallaa xaaladdu maanta kood horaadkay saaran tahay Soomaaliya oo dhan, abaarana waa jiraan qof walba meeshiisa xilkas haka noqdo.”



