Shacab duleedka Bosaso ku qabtay nin u dhashay Morocco.

13 February, 2025

Warar hordhac ah ayaa sheegay in ninkaani isku deyey inuu ka baxsado shacabkii gacanta ku soo dhigay isla markaana uu tuuray macluumaadkii uu watey xilligaasi.

Duleedka Magaalada Boosaaso waxaa galabta shacabku ka soo qabteen nin u dhashay dalka Morocco oo la tuhunsan yahay inuu katirsan yahay firxadka kooxaha nabaddiidka ah ee ciidamada Puntland kula dagaalamayaan buuraleeyda Cal-miskaad.

Ninkaan Ajnebiga ah oo markii la qabtay isku qarinayey agagaarka Maxjarka Boosaaso ayaa la sheegay inuu dhaawacyo kala duwan qabo, waxaana hadda baaritaano dheeraad ah kuwada laamaha ammaanka magaalada Boosaaso oo shacabku gacanta u geliyeen.

Dhawaan ayey ahayd markii madaxweyne Siciid Deni ugu baaqay shacabka Puntland inay feejignaadaan laamaha ammaankana ku soo simaan cidkasta oo ay uga shakiyaan falal ammaan xumo marka laga reebo shaqsiyaadka hubaysan oo uu amray inay toogtaan.