Shacabka Baydhabo oo u daawasho tegey meydadka Alshabaab.

17 April, 2025

Boqolaal kamid ah bulshada kunool Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah u ah maamulka Koonfur…

Boqolaal kamid ah bulshada kunool Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa isugu soo baxay daawashada meydadka horjoogayaal katirsan kooxda Alshabaab.

Meydadkaan oo 10 xubnood kor u dhaafaya ayaa ciidanka Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed subaxnimadii hore ee saaka ku dileen deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay.

Saraakiisha ciidanka Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in hawlgalladii saaka lagu jebiyey Kooxda Alshabaab oo maalmihii ugu dambeeyey weeraro ka waddey deegaamo katirsan Koonfurta Soomaaliya.