Wasaaradda Warfaafinta, Isgaadhsiinta, Tiknoolojiyadda, Hiddaha iyo dhaqanka Dowladda Puntland oo kaashanaysa dalladda ururada aan dowliga ahayn…

Wasaaradda Warfaafinta, Isgaadhsiinta, Tiknoolojiyadda, Hiddaha iyo dhaqanka Dowladda Puntland oo kaashanaysa dalladda ururada aan dowliga ahayn ee PUNSAA ayaa Magaalada Garoowe ku qabatay kulanka dadweynaha iyo laanta fulinta dowladda Puntland, oo ay si joogto ah Mas’uuliyiinta dowladdu ugu soo bandhigi doonaan waxqabadka xafiisaydooda ayna dadweynuhu su’aalo ka waydiin doonaan shaqooyinka socda.
Kulanka oo uu daahfuray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaadhsiinta, Tiknoolojiyadda, Hiddaha iyo dhaqanka dowladda Puntland Farxaan Cali Xirsi ayaa waxaa marti ku ahaa Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha,federalka iyo dimuquraadiyeynta, Wasiirka Wasaaradda Waxabrashada & tacliinta sare, Wasiir ku-xigeenka amniga iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda caddaaladda Arrimaha Diinta, Dastuurka & Dhaqancelinta dowladda Puntland.
Ugu horrayn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaadhsiinta, Tiknoolojiyadda, Hiddaha iyo dhaqanka dowladda Puntland Farxaan Cali Xirsi ayaa soo bandhigay qorshayaasha Wasaaradda ee horumarinta dhaqanka, tiknoolojiyadda, ururinta xogaha aasaarta taariikhiga ah iyo tayeynta Warbaahinta isagoo ka jawaabey su’aalo ay dadweynuhu ka waydiiyeen arrimahaasi.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, federalka iyo dimuraadiyeynta dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaradda iyo socdaalkii gobolka Mudug ayaa bulshada uga jawaabey su’aalo la xiriira arrimaha federalka Somalia, isku-duubnimada reer Puntland iyo mowqifka dowladda Puntland ee marxaladda kala guurka Somalia.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Fu’aad Abshir Adeer ayaa dhankiisa ku dheeraaday u diyaar garawga imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland oo ay wasaaraddu qaadaysay muddo ku dhaw 20 sano, horumarinta deegyada waxbarashada iyo daadejinta adeegyada waxbarashada lagu gaarsiinayo dhammaan ubadka Puntland.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda amniga iyo DDR-ta dowladda Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf (Dujaana) ayaa dhankiisa ka warbixiyey heerka amniga Puntland, hawlgallada ay geesiyada Puntland ku soo afmeerayaan kooxaha nabaddiidka, tababarada iyo dhismaha ciidanka ammaanka Puntland, isagoo shacabka uga mahadceliyey garab istaagga ciidamada iyo sida ay marwalba heeganka ugu yihiin la shaqaynta laamaha ammaanka.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka & Dhaqancelinta dowladda Puntland Cabdulqaadir Cali Warsame ayaa dhankiisa ka warbixiyey dedaaladda Wasaaradda ee caddaaladda, horumarinta xirfadaha garsoorka, dhaqancelinta maxaabiista iyo dhawrista xuquuqaha aadanaha ee Wasaaraddu ku hawlan tahay, isagoo bulshada uga jawaabey su’aalo ay ka waydiiyeen go’aamada garsoorka, arrimaha Xajka, la xisaabtanka waaxyaha dhulka dowladaha hoose iyo arrimo kale.



