Wasaaradda Warfaafinta, Isgaadhsiinta, Tiknoolojiyadda, Hiddaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland ayaa Magaalada Garoowe ku qabatay is-araggii 4aad…

Wasaaradda Warfaafinta, Isgaadhsiinta, Tiknoolojiyadda, Hiddaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland ayaa Magaalada Garoowe ku qabatay is-araggii 4aad ee kulamada Dowladda & Dadweynaha oo ay ku kala xog qaataan Mas’uuliyiinta xafiisyada Dowladda iyo shacabka Puntland.
Ugu horrayn, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaadhsiinta, Tiknoolojiyadda, Hiddaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland, Farxaan Cali Xirsi, oo daahfuray kulanka ayaa sheegay in kulamadan ay yihiin fursad muhiim ah oo ay Dowladda iyo shacabka si toos ah ugu kala xog-qaadanayaan, iyadoo lagu soo bandhigayo waxqabadka dowladda iyo adeegyada bulsho ee socda, isagoo xusay in Wasaaraddu ay bulshada u fududaysay sidii ay su’aalo u waydiin lahaayeen mas’uuliyiinta dowladda, ayna soo gudbiyaan cabashooyinkooda, talooyinkooda iyo su’aalaha la xiriira adeegyada ay u baahan yihiin.
Dhanka kalena, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland, Maxamed Cabdulqaadir Saalax (Doonyaale), Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Dowladda Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir iyo Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Cali Qoorsheel oo kulanka todobaadka marti ku ahaa ayaa bulshada u soo bandhigay shaqooyinka ka socda xafiisyadooda, qorshayaasha hortebinta leh ee horyaalla iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wax-soo-saarka Kalluunka iyo xoolaha oo ay hodon ku tahay Puntland, iyadoo ay su’aalo waydiinta ka qayb qaateen Mas’uuliyiin xilal kala duwan horay uga soo qabtay Puntland, barayaasha jaamacadaha, aqoon yahan, oday dhaqameed, kalluumaysato, bahda caafimaadka xoolaha, ardayda jaamacadaha ka barata cilmiga badda iyo marti kale oo su’aalo u qabey Mas’uuliyiinta kulanka ku casuunnaa.
Intaas kadib, Wasiirada ayaa bulshada uga jawaabey su’aalo la xiriira horumarinta dhalinyarada, maaraynta aafada tahriibka, shaqo abuurka dhalinyarada, horumarinta ciyaaraha, dardargelinta wax-soo-saarka qaybta dalxiiska, waxka qabashada kalluumaysiga sharci darrada ah, hanaanka shatibixinta kalluumaysiga Puntland, waxka qabashada burcad-badeedda, taageerada kalluumaysatada, qorshaha dowladda ee horumarinta xirfadaha kalluumaysatada, xanaanadada xoolaha, siyaabaha loogu guuri karo xoola dhaqashada casriga ah, isbeddelada cimilada iyo saamaynta ay ku yeesheen xoolaha, tayada dawooyinka loo adeegsado xoolaha, casriyeynta suuqyada gawraca xoolaha, fayadhawrka kayda caanaha xoolaha iyo su’aalo kale oo la xiriira shaqooyinka Mas’uuliyiinta kulanka martida ku ahaa.
Ugu dambayn, kulanka is-aragga Dowladda iyo Dadweynaha ayaa noqday madal ay shacabka Puntland si toos ah ugu helaan xog ku saabsan waxqabadka iyo qorshayaasha dowladda, isla markaana ay mas’uuliyiinta ugu gudbiyaan su’aalo, talooyin iyo baahiyaha ay qabaan, waxaana ka qayb galayaashu muujiyeen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-xiriirka dowladda iyo bulshada, iyadoo la sii ambaqaadayo kulamada noocan ah si shacabka loogu fududeeyo helitaanka xogta iyo la-xisaabtanka mas’uuliyiinta ee adeegyada iyo qorshayaasha horumarineed.





