Kumanaan reer Malaysia ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka si ay uga mudaaharaadaan sare u kaca maciishada iyo dib u habeyn la’aanta xukuumadda midnimada ee Ra’iisul Wasaare Anwar Ibrahim.

Dibad-baxa Sabtidii, oo ay soo qabanqaabiyeen xisbiyada mucaaradka, ayaa calaamad u ah mudaaharaadkii ugu weynaa ee ugu horreeyay ee ka dhaca dalkaas tan iyo markii Anwar ku guuleystay doorashadii 2022.
Dibad-baxayaasha ayaa isugu soo baxay meelo kala duwan oo ku yaalla caasimadda Kuala Lumpur, ka hor inta aysan isugu soo ururin fagaaraha madax-bannaanida, iyagoo sitay boodhadh ay ku qoran yihiin, “Ha dhaco Anwar,” iyadoo tobanaan askari oo boolis ah ay si gaar ah isha ugu hayeen.

Anwar ayaa loo magacaabay ra’iisul wasaaraha isagoo u ololeeyey “isbedel-doon” wuxuuna ballan qaaday inuu wax ka qaban doono musuqmaasuqa, iyo nin jeclaysiga ka dhex jira nidaamka siyaasadeed.
Maalmo ka hor banaanbaxa, wuxuu dejiyay tillaabooyin isxigxiga oo looga golleeyahay in lagu wajaho walaacyada shacabka, oo ay ku jirto lacag bixin oo loogu talagalay dhammaan muwaadiniinta qaangaarka ah iyo ballan-qaad lagu dhimayo qiimaha shidaalka.



