Shacabka Muqdisho oo sugaya natiijada hordhaca ah ee doorashada.

Shacabka gobolka Banaadir ayaa siweyn uga dhursugaya natiijada doorashadii golayaasha deegaanka degmooyinka gobolka Banaadir oo maalinimadii…

26 December, 2025

Shacabka gobolka Banaadir ayaa siweyn uga dhursugaya natiijada doorashadii golayaasha deegaanka degmooyinka gobolka Banaadir oo maalinimadii shalay ka qabsoontay inta badan magaalada Muqdisho.

Ururka xukuumadda ee JSP, Sincad, Towfiiq & Ramaas ayaa hoggaaminaya tirinta codadka marka loo eego natiijooyinka hordhaca ah ee seejooyinka.

Afartaan urur siyaasadeed ee ka dhisan magaalada Muqdisho ayaa la saadaalinayaa inay heli doonaan xubnaha ugu badana ee xildhibaannada deegaanka ee gobolka Banaadir.

Xuuraanka warbaahinta ee natiijooyinka doorashada ayaa siweyn loo adkeeyey, waxaana yarayd natiijooyinka lagaga dhawaaqay seejooyinka codbixinta, iyadoo guddigu sheegeen in laga war sugo natiijada saxda ah.