Kacdoonka dadweynaha Puntland ay dhiigga ugu deeqayaan ciidanka ayaa sababay inay buuxsamaan dhammaan kaydadkii dhiigga ee Boosaaso.

Wasiirka Wasaarada caafimaadka dowladda Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa guud ahaan shacabka uga mahadceliyey taageerada ciidamada dagaalka kula jira kooxda Daacish ee ku sugan buuraleeyda Calmadaw ee gobolka Bari.
Wasiir Qoorsheel, waxa uu sheegay in kacaankii dadweynaha Puntland ay dhiigga ugu deeqayeen ciidamadu uu sababay inay buuxsamaan dhammaan kaydadkii dhigga ee magaalada Boosaaso, aysanna dhici doonin in dhiig loo waayo kuwa u diriraya sharafkooda iyo difaaca dalkooda.
“Kacaankii dhiig shubidda ee shacabka Puntland wuxuu sababay inay buuxsamaan dhammaan kaydadkii dhiigga ee Boosaaso”, Ayuu yiri Wasiir Siciid Jaamac Qoorsheel oo la wareegey tallaagado waaweyn oo kayd dhiig ah.
Tan iyo 31 December 2024 oo uu bilowday hawlgalka ka dhanka ah Daacish waxaa shacabka Puntland ciidamada la garab istaageen dhammaan taageeradii ay ubaahnaayeen, kadib markii xukuumaddu sheegtay inuu yahay dagaal isku tashi ah oo aysan Puntland cidna ka taageerin.
DIIWAANKA WARARKA HORSEED MEDIA