Inta badan magaalooyinka waaweyn ee Puntland waxaa habeenimadii xalay lagu qabtay isu soo baxyo waaweyn oo…

Inta badan magaalooyinka waaweyn ee Puntland waxaa habeenimadii xalay lagu qabtay isu soo baxyo waaweyn oo taageero loogu muujinayo ciidamada difaaca ee kujira hawlgalka la dagaalanka argagixisada Hillaac.
Magaalooyinka Galkacyo, Burtinle, Garoowe, Qardho, Carmo iyo Boosaaso ayey ka dheceen isu soo baxyadaan oo ujeedkoodu yahay in ciidanka lagu garab istaago shacabka nabadda ku ciideyna ugu hambalyeeyaan geesiyada buuraha u fuushan ammaankooda.
Mas’uuliyiin dowladda katirsan ayaa ka qayb galay kulamadaasi, waxaana lagu bogaadiyey sida naf hurnimada leh ee ay ciidanku uga hortageen damicii Daacish iyo sida ay guulaha uga soo hoyiyeen dagaalka nabaddiidka.
