Barlamaanka Puntland oo laalaya in shacabku soo doortaan Madaxweynaha.

Barlamaanka Puntland ayaa gacanta ku haya qorshe guud ahaanba meesha looga saarayo qodob dastuuri ah oo…

2 October, 2026

Barlamaanka Puntland ayaa gacanta ku haya qorshe guud ahaanba meesha looga saarayo qodob dastuuri ah oo shacabka Puntland u ogolaanaya inay soo doortaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Waxka-beddelka dastuurka oo barlamaanku gacanta ku hayo ayaa lagu soo jeediyey in doorashada Madaxtooyada dib loogu celiyo barlamaanka, iyadoo meesha laga saarayo qodobka la xiriira in dadweynuhu doortaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, sida uu dhigayo dastuurkii uu Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Saxiixay 2023.

Waxka-beddelka qodobkaan ayaa ka dhigan in kaliya ay shacabku doortaan xildhibaanada golaha deegaanka iyo golaha wakiilada, oo ku imaan doona hanaan xisbi iyadoo barlamaanku ay soo dooran doonaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, sida uu faahfaahinayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC Axmed Maxamuud Cumar.