Taliska qaybta booliska gobolka Karkaar ayaa ugu baaqay shacabka inay laba jibbaaraan taakulaynta ciidamada difaaca ee…

Taliska qaybta booliska gobolka Karkaar ayaa ugu baaqay shacabka inay laba jibbaaraan taakulaynta ciidamada difaaca ee dagaalka kula jira kooxaha nabaddiidka ah iyo la shaqaynta kuwa ammaanka ee ku sugan gobolada iyo magaalooyinka.
Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud, waxa uu sheegay in hawlgalka Hillaac uu marayo meel gabagabo isla markaana loo baahan yahay in la xoojiyo ciidanka oo geli doona wajigii ugu dambeeyey ee dabar goynta nabaddiidka.
“Guusha waan wada joogi doonnaa inteena nool, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan shacabka Puntland inay soo dedejiyaan kaalmada ay siinayaan ciidankooda cadawga la dagaalamaya”, Ayuu yiri taliyaha qaybta booliska gobolka Karkaar Xuseen Cali Maxamuud.
“Waxaan lee yahay waqti inoo haray oo aan sugayno majiro, dedaalka aan laba jibbaarno, hurdada ha laga koco waxaa soo afjariddii, waana inaan isku duubnaano oo dalkeena difaacano”, Taliye Xuseen Cali Maxamuud.