Dibadbaxyo waaweyn ayaa ka dhacay qaybo kamid ah dalka Suuriya, kaddib markii dowladda ay si weyn…

Dibadbaxyo waaweyn ayaa ka dhacay qaybo kamid ah dalka Suuriya, kaddib markii dowladda ay si weyn u kordhisay qiimaha shidaalka, tallaabadaasi oo dhalisay caqabado noleed, bandaw gaadiid iyo kor-u-kac dhaqaale oo soo wajahay bulshada colaaduhu halakeeyeen ee Suuriya.
Dadka dibadbaxaya ayaa waddooyinka qaar ku gubay taayiro, halka meelo kalena ay ka dhaceen shaqo-joojinno looga soo horjeedo go’aanka dowladda, waxayna dowladda ka dalbadeen inay si deg deg ah u dhinto qiimaha shidaalka ee ay kordhisay si kabadan dunida kale.
Qiimaha naaftada ayaa la sheegay inuu kordhay 40%, halka qiimaha baatroolkana uu sare u kacay 28%, arrintaasi ayaa la sheegay inay saamayn ku yeelatay gaadiidka iyo adeegyada kale ee ku tiirsan shidaalka, taasoo keeni karta in qiimaha badeecadaha iyo adeegyada uu sii kordho.
Ruushka ayaa ah soo dejiya shidaalka ugu badan ee dalka Suuriya soo dhoofsado, iyadoo Suuriya soo dejisay qiyaastii 58,000 foosto maalintii oo saliid ceyriin ah iyo 25,000 foosto maalintii oo shidaal la safeeyey ah bishii Maarso 2026, taas oo u dhiganta ku dhowaad 30.3 milyan foosto sanadkii haddii heerkaas la joogteeyo, wuxuuna Ruushku Suuriya 2025 oo kaliya geeyey ugu yaraan 2.6 milyan foosto shantii bilood ee ugu horreysay, halka Sacuudi Carabiya ay 2025 siisay 1.65 milyan foosto oo deeq saliid ah



