Inta badan xafiisyada Dowladda Hoose ee degmada Galkacyo ayaan shaqaynayn maalintii 2aad, kaddib markii shaqaalaha xarunta…

Inta badan xafiisyada Dowladda Hoose ee degmada Galkacyo ayaan shaqaynayn maalintii 2aad, kaddib markii shaqaalaha xarunta shaqo joojin ka sameeyeen mushahar la’aan muddo dheer soo jiitamaysay.
Shaqaalaha ayaa sheegay in shaqo-joojintu ay tahay tallaabo ay ku muujinayaan cabashadooda, iyagoo dalbanaya in la bixiyo mushaaraadka ka maqan, si loo dardargeliyo hawlaha shaqo ee ay Dowladda hoose u hayso bulshada Galkacyo.
Shaqo joojintaan ayaa ku soo aaddey xilli uu magaalada Galkacyo muddo saddex cisho ah ku sugnaa Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo habeenimadii xalay ku hoyday degmada Buur-saalax kadib socdaal uu shalay ugu ambabaxay ciidka gobolka Mudug.
Madaxweynaha oo ka hadlay daahfurka mashruuca biya-saarka Galkacyo ayaa sheegay inay soo gaareen cabashooyin badan oo la xiriira shaqada dowladda hoose ee degmada Galkacyo, isagoo Madaxda iyo xildhibaanada golaha deegaanka ku canaantay maamul xumo iyo hoosu dhac ku yimid shaqadooda dowliga ah.




