Shaqooyinkii garoonka diyaaradaha Muqdisho oo saaka hakad galay.

Shaqada garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa saaka hakad gashay, sababo la xiriira xaaladda…

4 June, 2026

Shaqada garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa saaka hakad gashay, sababo la xiriira xaaladda amni ee ka dhalatay xiisadda siyaasadeed, dhaqdhaqaaqyada ciidan iyo dagaalada saacadihii ugu dambeeyey ka socdey Magaalada caasimadda ah.

Qaar kamid ah hawl-wadeenada garoonka ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in subaxnimadii hore ee saaka ay awoodi waayeen inay gaaraan goobtooda shaqo kadib markii waddooyinkii muhiimka ahaa ay noqdeen dhufaysyo ciidan oo xalay lagu dagaalamay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada amniga ay wadaan howlgal lagu beegsanayo kooxo hubeysan oo lagu eedeeyay inay qalalaase amni ka wadaan magaalada, halka dhinacyada mucaaradkuna ay dowladda ku eedeeyeen inay adeegsaneyso awood ciidan.

Qoraal ay soo saareen ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka socda uu yahay mid lagu sugayo amniga Muqdisho, isla markaana shacabka looga digay inay ka fogaadaan goobaha ay howlgalladu ka socdaan, iyagoo intaasi ku daray inaysan jirin bannaanbaxyo nabadeed oo la fasaxay, balse ay jiraan falal hubeysan oo ay ciidamada ku howlan yihiin sidii loo soo afjari lahaa.

Xaaladda magaalada ayaa saaka ah mid aad u kacsan, iyadoo waddooyin badan la xiray, dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyo gaadiidkuna uu si weyn u yaraaday, dadka rayidka ah ayaa lagu wargeliyay inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan inta ay socdaan howlgalada iyo dagaallada ka dhacaya Muqdisho.