Madaxweynahii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Raysal wasaare hore Xasan Cali Kheyre ayaa boggaadiyay howlgalka sifaynta argagixisada Puntland ee buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay howlgalka ka socda buuraha Calmiskaad inuu yahay mid xoojinaya halganka guud ee shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan sidii ay isaga xureyn lahayeen kooxaha loogu yeero argagixisada.
“Waxaan boggaadinayaa howlgalka Ciidamada daraawiishta Puntland ee ka dhan ah kooxda Daacish waana tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa halganka guud ee shacabka Soomaaliyeed isaga difaacayaan argagixisada duullaanka ah islamarkaana gumaadka ku haya dadkeenna. Ficillada kooxaha argagixisada ah waxay ka soo horjeedaan shareecadda islaamka, hab-nololeedka bulshada Soomaaliyeed, xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan ammaanka gobolka” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Raysal wasaarahii hore ee dalka Xassan Cali Kheyre ayaa dhankiisa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku bogaadiyey guulaha ciidamada Difaaca Puntland ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxda argagixisada Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad.
“Waxaan mar kale shacabka, ciidamada, iyo dowladda Puntland ku bogaadinayaa libinta iyo guulaha ay ka soo hooyeen hawlgalka lagu ciribtirayo argagaxisada ku dhumaaleysanaysa buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari. Waxaan qoysaskooda, qaraabadooda, iyo qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa halyeeyadii ku shahiiday Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland iyaga oo gudanaya waajib diini iyo damiiri ah” ayuu yiri Raysal wasaare hore Xasan Cali Kheyre.
Horseed Media