Shariif Xasan oo ka walaacsan natiijada doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

7 June, 2026

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan…

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan doorashada hoggaanka Koonfur Galbeed, xilli ay DFS qorshaynayso hirgelinta doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi.

Shariif Sheekh Xasan, oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu ugu baaqay shacabka deegaamada Maamulka Koonfur Galbeed, kuwa Soomaaliyeed iyo beesha caalamka inay si dhow ula socdaan habsami u socodka doorashada.

“Dadka Koonfur Galbeed iyo beesha caalamka waxaan ugu baaqayaa inay si dhow ula socdaan doorashada hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo ay hareeyeen walaacyo isa soo taraya oo ku saabsan hufnaanta iyo caddaaladda. Waxaa muuqata dadaal lagu doonayo in lagu cabburiyo xorriyadda codbixinta, laguna beddelo nidaamka qarsoodiga ah ee codbixinta hannaan ku saleysan cabsi-gelin, cadaadis iyo dabagal,” ayuu yiri Shariif Xasan.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta shaaciyay liiska saddex musharrax oo u tartamaya xilka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed.