Waxaan ku baaqaynaa in degdeg loo joojiyo dagaalka, khilaafkana miiska wada hadalka lagu xalliyo, lagana heshiiyo doorasho aan shaatigeeda cid gaar ah u tolnayn.
WAR-MURTIYEED
Tr: 11/12/2024
Dalkeennu wuxuu ka soo kabanayaa colaad sokeeye, kala aaminbax bulsho iyo burbur dowladeed. Mabaadi’da dib u dhiska dowladnimada dalka iyo dastuurka ku meel gaarka ah waxaa ku cad in aan ciidanka loo adeegsan siyaasadda.
Ciidanka dowladda federaalka ah ee la geeyey Raaskanbooni iyo kuwa daraawiishta Jubaland ee ay la dirirayaan waa wiilal Soomaaliyeed oo walaalo ah, kuwasoo ay ahayd in awooddooda ku wajahaan argagexisada Al-shabaab iyo cadawga kale ee qaranka Soomaaliyeed.
Waxaa ayaandarro wayn ah in Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbadii ugu danbaysay ee uu Masjidka Madaxtooyada ka jeediyey ku caddeeyey in khilaafka isaga iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe u dhexeeya uu yahay mid siyaasadeed oo la xariira arrimaha doorashooyinka, haddana ku adkaysto in uu khilaafka ku xalliyo awood ciidan iyo dagaal dhiig ku daato.
Waxaan ku baaqaynaa in degdeg loo joojiyo dagaalka, khilaafkana miiska wada hadalka lagu xalliyo, lagana heshiiyo doorasho aan shaatigeeda cid gaar ah u tolnayn.
- Sheekh Shariif Sheekh Ahmed
- Xasan Cali Khayre
- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame