Sheekh Aadan Madoobe oo qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi-Bari

2 October, 2025

Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kan maamulka cusub ee Waqooyi-Bari ayaa markii ugu horreysay ku kulmay…

Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kan maamulka cusub ee Waqooyi-Bari ayaa markii ugu horreysay ku kulmay magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa ahaa mid taariikhi ah oo lagu xoojinaayo xiriirka ka dhexeeya hay’adaha sharci dejinta ee heer federaal iyo kuwa dowlad goboleedyada cusub.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si diirran u qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari, Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, oo uu wehliyey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golahaasi, Amran Axmed Xasan, iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Waqooyi-Bari.

Guddoomiye Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan ayaa uga mahadceliyey Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe soo dhoweynta iyo qaabilaadda, isagoo uga warbixiyey doorashadii dhawaan ka dhacday maamulka Waqooyi-Bari iyo xaaladda guud ee deegaanada maamulkaasi. Wuxuu xusay taageero weyn oo loo baahan yahay si loo kobciyo aqoonta iyo xirfadaha xildhibaanada cusub iyo shaqaalaha Golaha Wakiillada.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyey dadaallada laga soo maray dhismaha maamulka Waqooyi-Bari, isagoo sheegay in Golaha Shacabka uu soo dhoweynayo guushaas. Waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka diyaar u tahay in ay taageerto maamulka cusub si uu si buuxda uga qeyb qaato howlaha siyaasadeed iyo sharci-dejineed ee dalka.

Kulankan ayaa astaan u ah bilow cusub oo iskaashi iyo wada shaqeyn ah, iyadoo labada dhinacba ay muujiyeen in ay muhiim tahay in la iska kaashado dhismaha hay’adaha sharci dejinta, si loo gaaro dowlad federaal oo mideysan, loona xaqiijiyo maamul hufan oo ka shaqeeya danta shacabka Soomaaliyeed.