Sheekh Cali-wajiis oo banneeyey in DFS ciidamo & hub geyso Puntland.

Lataliyaha Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Cali Wajiis, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay tahay hay’adda…

27 July, 2026

Lataliyaha Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Cali Wajiis, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay tahay hay’adda keliya ee dastuur ahaan xaqa u leh inay yeelato ciidan milatari qaran, isla markaana hub iyo saanad ciidan u kala gudbiso dhammaan deegaannada dalka. Wuxuu xusay in awooddaasi ay ka mid tahay waajibaadka dowladnimada iyo ilaalinta midnimada qaranka.

Sheekh Cali Wajiis ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ay xaq u leedahay inay gaarsiiso hub iyo rasaas magaalo kasta oo Soomaaliyeed, isagoo tusaale u soo qaatay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hargeysa. Sida uu sheegay, arrintaasi waa awood sharciyeed oo u gaar ah dowladda dhexe, isla markaana aan cid kale laga xannibi karin.

Lataliyuhu wuxuu sidoo kale sheegay in cid kasta oo ka hortagta ama diidda dhaqdhaqaaqa Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ay ku kacayso xadgudub ka dhan ah sharciga. Wuxuu ku dooday in tallaabooyinka noocaas ah ay caqabad ku yihiin sugidda amniga iyo dowladnimada dalka.

Ugu dambeyn, Sheekh Cali Wajiis ayaa ugu baaqay dhinacyada ay khusayso inay joojiyaan waxa uu ku tilmaamay faragelinta lagu hayo howlaha Ciidanka Qaranka, isagoo adkeeyay in la dhowro sharciga iyo awoodaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.