Sheekh Cali Wajiis oo ka digey damaca Israel ee Somalia.

7 January, 2026

Qaar kamid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa saka banaanbax ka sameeyey qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir,…

Qaar kamid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa saka banaanbax ka sameeyey qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, si ay uga falceliyaan aqoonsigii Israa’iil ee Maamulka Somaliland.

Culimada banaanbaxa samaynayey ayaa sheegay inay siweyn uga soo horjeedaan kala goynta Soomaaliya iyo go’aan kasta oo waxyeelo u geysanaya midnimada dhuleed, dadeed iyo midda diimeed ee umadda Soomaaliyeed.

Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah culimada saaka soo abaabushay banaanbaxa ayaa warbaahinta u sheegay in maamulka Israel uu doonayo inuu kala dhantaalo umadda Soomaaliyeed kuna faafiyo dhaqamo xun xun iyo diin aan ahayn midda Islaamka.

“Waxaan u soo baxnay inaan cambaarayno maamulka Yuhuudda iyo kuwa u shaqaynaya ee dhibaataynaya dadnimada, dowladnimada iyo diinta umadda Soomaaliyeed, waxaan umadda u sheegi doonaa damaca gurracan ee maamulka Yuhuudda”, Ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.