Sheekh Cali-wajiis oo kamid ah lataliyayaasha Madaxweynaha Somalia ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada…

Sheekh Cali-wajiis oo kamid ah lataliyayaasha Madaxweynaha Somalia ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada iyo maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida inay si wadajir ah uga falceliyaan xaaladda degmada Mooyaale, halkaas oo uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay wajahayaan dhibaatooyin uu ku eedeeyay dowladda Itoobiya.
Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in gurmad loo fidiyo dadka ku nool Mooyaale, isagoo ku dooday in haddii aan tallaabo wadajir ah laga qaadin waxa uu ku tilmaamay faragelinta Itoobiya, ay taasi horseedi karto in dowladda Itoobiya ay sii ballaariso gacan-ku-haynteeda deegaanno kale oo Soomaalidu degto.
Wuxuu tusaale u soo qaatay magaalooyinka Diridhaba iyo Baabili, kuwaas oo uu sheegay in Itoobiya hore ula wareegtay, isagoo ka digay in haddii Mooyaale aan laga hortagin ay mustaqbalka halis geli karto Jigjiga iyo dhulka xeebaha Soomaaliya.
“Mas,uuliinta Soomaaliya Heer Federaal iyo Dowlad Goboleed iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Soomaali Galbeed waa in Loo Gurmadaa Walaalaha Soomaaliyeed ee Degmada Mooyaale ee Isir Sifeynta Xun ay ku heyso Dowladda Ethopiya iyo Qowmiyadda Talada Heysa ee Abye iyo Jowhar Maxamad ey Hogaamiyaan ee OROMADA Haddii Sidaas Looga Aamuso Ee ay Xoog ku qaataan MOOYALE Sidey Horay Ugu Qaateen DIRIDAWA iyo BAABILI wexey ku dhiiran Doontaa Dowladda Ethopiya iyo OROMO iney Qaadato JIGJIGA Ilaa Badda Soomaalia”, Ayuu yiri Sheekh Cali-wajiis.




