Sheekh Cali-wajiis oo kamid ah culimaa’udiinka gobolka Banaadir iyo lataliyayaasha Madaxweynaha Somalia, ayaa difaacay hadal uu…

Sheekh Cali-wajiis oo kamid ah culimaa’udiinka gobolka Banaadir iyo lataliyayaasha Madaxweynaha Somalia, ayaa difaacay hadal uu jeediyey ku sheegay in cid kasta oo hubeysan oo ka hor timaadda Dowladda Federaalka Soomaaliya lala dagaallami karo, isaga oo xusay in loo adeegsan karo hub culus iyo xitaa diyaarado dagaal.
Wuxuu sheegay in qofka hubka qaata uu noqonayo bartilmaameed ay dowladda la dagaallamayso, isla markaana ay laamaha ammaanka dowladdu xaq u lee yihiin adeegsiga awood kasta oo milatari si ay dadka uga qabtaan tallaabana ka qaadaan, sida uu hadalka u dhigay.
โMar kale ayaan ku celinayaa, cid kasta oo hubeysan waa la dilayaa, waxaana loo adeegsan karaa qori, madafac iyo diyaarad lagu duqeeyo, Sheekhii masโalo diini ah qaba ha ii soo jawaabo,โ ayuu yiri Cali Wajiis.
Isdifaaca Sheekh Cali-wajiis ayaa ku soo beegmaya xilli ay Soomaaliya ka jiraan doodo xooggan oo ku saabsan adeegsiga awoodda dowladda, gaar ahaan marka ay timaaddo la macaamilka kooxaha hubeysan iyo ciidamada ama maleeshiyaadka ka soo horjeeda dowladda dhexe.
Dhawaan ayey ahayd markii maamulka Jubbaland, xildhibaano katirsan barlamaanka federalka ah ee Somalia, Madaxweyne hore Lafta-gareen iyo siyaasiyiin katirsan mucaaradku ku eedeeyeen Dowladda fedederalka ah ee Somalia inay degmada Doolow ee gobolka Gedo duqayn kula beegsatay taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Soomaaliya Gen. Mahad Cabdiraxmaan (Shub).




