Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed iyo RW hore Xasan Cali Khayre ayaa u guurey…

Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed iyo RW hore Xasan Cali Khayre ayaa u guurey xayndaabka Xalane oo ay ku sugan yihiin madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland.
Hoggaamiyayaashii hore oo horay deganaa guryo aan ka dheerayn garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ujeedkoodu yahay inay iska yareeyaan caqabadaha dhanka socdaalka ah ee ka soo wajahaya xukuumadda Somalia.
Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaare hore Rooble ayaa laba jeer laga horjoogsaday inay gudaha u galaan Xalane si ay uga qaybgalaan shirka golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, taasi oo xoojisay kala aamin baxa dowladda iyo mucaaradka.



