Sheekh Shariif oo ciidamo la duldhigay & mudaharaadyadii mucaaradka oo goobo loo asteeyey.

3 June, 2026

Xiisadda siyaasadeed ee Magaalada Muqdisho ayaa cirka isku sii shareertay xilli mucaaradku isu diyaarinayaan banaan-baxyo waaweyn…

Xiisadda siyaasadeed ee Magaalada Muqdisho ayaa cirka isku sii shareertay xilli mucaaradku isu diyaarinayaan banaan-baxyo waaweyn iyadoo Maamulka gobolka Banaadir uu asteeyey goobo gaar ah oo dibadb-baxyadaasi lagu qabto.

Maamulka gobolka Banaadir oo shir jaraa’id qabtay ayaa shaaciyey in goobo ay ka mid yihiin Garoonka Koonis, Muqdisho Stadium iyo Garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan loo asteeyey dibad-baxyada , iyadoo mucaaradku ay ka biyo-diiday qorshahaas, iyagoo ku adkeysanaya in banaanbaxu ka dhaco guud ahaan caasimadda.

DFS ayaa ciidamo badan dul-dhigtay guriga uu degan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee degmada Cabdicasiis, waxaana socda dadaallo ay wadaan ergooyin ka socday Madaxtooyada si loo dejiyo xaaladda loogana hortago isku dhac siyaasadeed iyo mid amni.

Mucaaradka ayaa la sheegay inay isku qaybiyeen dhowr xarumood oo ku kala yaalla Muqdisho, halkaas oo ay ka diyaarinayaan banaanbaxa ay qorsheeyeen, xilli dowladda Federalka ah ee Somalia ay xoojisay feejignaanta amniga, iyadoo ciidamo dheeraad ah la geeyey meelo badan oo muhiim ah.