Sheekh Shariif oo DFS ku eedeyey cabburin iyo xad gudub bulsho.

24 May, 2025

Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga hadlay xaaladda ammaan ee…

Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga hadlay xaaladda ammaan ee dalka, cadaadiska saxaafadda iyo tallaabooyinka ay DFS ku xirxirayso suxufiyiina ha hawlgasha Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu horrayn cambaareeyey bartilmaameedsiga wariyeyaasha iyo warbaahinta madaxa-bannaan, isagoo sheegay in ficilladaasi ay yihiin kuwo lid ku ah dimuqraadiyadda iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

“Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida saxaafadda waa tiir muhiim ah oo dowlad kasta ay ku dhisan tahay. Marna la aqbali maayo in saxafiyiin la caburiyo ama la handado sababo siyaasadeed dartood,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Dhanka kalena, Madaxweynihi hore ee Somaliaya ayaa ugu baaqay dowladda in ay ilaaliso xuquuqda saxafiyiinta oo ay joojiso faragelinta tooska ah ee lagu hayo warbaahinta xorta ah.

Ugu dambayntiina waxa uu ku eedeeyay in ay cuburin iyo caga jugleyn ku hayso warbaahinta madaxa banaan, islamarkaana waxaa uu xusayay in arrintaasi aan la aqbali karin, waxaa uuna dowladda ka dalbaday inuu joojiso damaca ay wato dowladda Soomaaliya.