Sheekh Shariif oo ka digey muddo kordhin ay sameeyaan barlamaanka Somalia.

16 December, 2025

Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa siweyn uga digey muddo kororsi ay sameeyaan…

Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa siweyn uga digey muddo kororsi ay sameeyaan xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Jamhuuriyadda federalka ah ee Somalia.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ka hadlayey Magaalada Muqdisho ayaa xusay in waqtigii barlamaanku uu ku dhammaaday khilaaf iyo burbur dowladeed aysanna sharci u lahayn inay muddo kordhin samaystaan.

“Barlamaanka joogaa muddi kordhin ma samaysan karo, hadduu si sax ah u dhoco waxaa yeelanaya barlamaanka ka dambeeya, afartiisii sano waxaa lagu soo dhameeyey khilaaf, barakicin, lunsi hanti qaran iyo burburin ciidan”, Ayuu yiri Sheekh Shariif oo ka digey muddo kororsi ay sameeyaan barlamaanka Somalia.

Sheekh Shariif ayaa intaasi ku daray in dadka Soomaaliyeed soo mareen duruufo adag oo u soo samreen dowladnimadooda,”Dadka Soomaaliyeed waxay ku soo sabreen 35 sano oo duruuf adag ah, waxyaabaha lagu faani karo waxaa kamid ah inay qabsadeen hanaan doorasho oo ay raali isaga yihiin, waxay ahayd in laga shiro laysaga yimaado oo la gaarsiiyo qof iyo cod”.