Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa lagu qanciyey inuu dib ugu laabto gurigiisa ku…

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa lagu qanciyey inuu dib ugu laabto gurigiisa ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kaddib maalmo uu ku sugnaa waqooyiga caasimadda Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in dadaallo dhexdhexaadin iyo waan-waan ah oo ay hormuud ka yihiin odayaal dhaqameed, diblomaasiyiin ka socda qaar kamid ah safaaradaha reer galbeedka iyo siyaasiyiin katirsan dowladda federaalka ay horseedeen in Shariif Sheekh Axmed lagu qanciyo inuu dib ugu laabto deegaankii uu horay uga deggenaa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay ku adkaysatay in madaxda mucaaradka, oo ay kamid yihiin Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Cali Kheyre, inay ka baxaan goobihii ay xiisaduhu ka jireen isla markaana ay dib ugu laabtaan aagga amniga ee Xalane iyo nawaaxigiisa.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid qayb ka noqon karta dadaallada lagu dejinayo xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee Muqdisho, iyadoo wada-hadallo iyo waan-waan weli ay socdaan si looga hortago isku dhacyo hor leh oo ka dhaca caasimadda.



