Sheekh Shariif oo sheegay inay Muqdisho ka buuxaan rag katirsan Alshabab.

11 December, 2025

Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay qorshaha Villa Somalia…

Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay qorshaha Villa Somalia ee ku aadan hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod, caqabadaha ku gadaaman iyo saamaynta dhanka ammaanka ee ka dhalin karta haddi laysku dayo tallaabadaasi.

Sheekh Shariif, wuxuu sheegay in qabashadu ay u baahan tahay in la helo dibu-heshiisiin dhammaystiran, shuruuc laysla ogolyahay iyo helitaanka hay’ado ay xisbiyada siyaasaddu ku kalsoonaan karaan waajibaadkooda shaqo.

“Doorasho qof iyo cod ah in la qabto waxay u baahan tahay in la dhammaystiro hanaanka dibu-uheshiisiinta, kadibna waa in la dhiirigeliyaa hanaanka xisbiyada badan wixii ka dambeeyana waa in laga doodaa hanaanka doorashadu inuu noqdo mid hufan oo aan dadka Soomaaliyeed dhibaato hor leh u keenayn”, Ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dhanka kalena, Madaxweynihi hore ee Somalia ayaa walaac ka muujiyey xaaladda ammaan ee Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in degmooyinka qaar ay ka buuxaan malayshiyaad katirsan Alshabaab, isagoo xusay in ujeedada dowladda kaliya ay noqoto in doorasho la qabto laakiin aysan ka fekerin saamaynteeda dhanka ammaanka.

“Muqdisho waxaan ognahay inay xubno Alshabaab ka buuxaan, kuna hareeraysan yihiin magaaladda, yaa damaanad-qaadaya mas’uuliyadda amniga dadka codeynaya doorashadda hadii ay dhintaan”, Ayuu yiri Sheekh Shariif.