Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa saqdii dhexe ee xalay u guuray guri ku…

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa saqdii dhexe ee xalay u guuray guri ku yaalla agagaarka Isgoyska Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis, iyadoo tallaabadaani la xiriirto abaabulka siyaasadeed ee mucaaradka iyo diyaarinta banaanbax la qorsheeyay inuu ka dhaco Muqdisho 4-ta bisha Juun.
Wararka ayaa intaas ku daraya in xaafadda Mirinaayo maanta lagu arkay ciidamo taageersan Sheekh Shariif, kuwaas oo la sheegay inay halkaasi ka sameysteen saldhigyo iyo xarumo laga abaabulo banaanbaxyada Muqdisho.
Dhanka kale, xubno ka tirsan mucaaradka Muqdisho ayaa maanta kulan ku yeeshay guriga Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre. Kulanka ayaa la sheegay in diiradda lagu saarayo qorshaha banaanbaxa, isku dubbaridka taageerayaasha mucaaradka, iyo sidii loo mideyn lahaa mowqifkooda siyaasadeed maalmaha soo socda.
Sidoo kale, hoggaamiyeyaal kale oo mucaarad ah, oo uu ka mid yahay Xasan Cali Khayre, ayaa la sheegay inay wadaan kulamo xasaasi ah oo looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, iskaashiga mucaaradka, iyo qorshayaasha la xiriira banaanbaxyada la shaaciyey.



